Hoggaamiyeyaasha waddamada IGAD ayaa shir deg-deg ah oo looga hadlayo xaaladda Koonfuurta Suudaan uga furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, Waxaana kazoo qeyb galay shirkan Madaxweynaha DF Somalia Xasan Sheekh Maxamuud , Wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD , Wakiilada dalalka iyo Ururo kale oo caalamiya.
Shirkan ayaa looga arrinsanayaa colaada u dhaxaysa Dowladda Madaxweyne Salva Kiir Mayardit iyo Hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar, waxayna ka shaqeynayaan Madaxda IGAD sidii dagaalka loo joojin lahaa, nabadda looga shaqeyn lahaa, loona fulin lahaa heshiisyadii hore ee nabadda ee dhinacyada is haya ay ku heshiiyeen.
Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaarey magaalada Addis Ababa, ayaa
shirka ka sheegay muhimadda in xal deg-deg ah loo helo mashaakilka ka taagan Koonfuurta Suudaan, oo uu sheegay in ay tahay mid dhaawacaysa dibna u dhigeysa riyada shacabka dalkaasi oo ahaa inay xornimo, nabad iyo barwaaqo ku naaloodaan.
Shirkan oo soconaya hal maalin ayay ku muujinayaan madaxda ka qeyb galaysa walaacooda ku saabsan colaadda dalkaasi ka jirta, iyagoo ku baaqey in colaadda la joojiyo, in xurgufta taagan lagu dhammeeyo wadahadal, badbaadinta dadka maatada ah iyo gargaar loo fidiyo dadka ku barakacaya dagaalka halkaasi ka socda.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in laga faa’ideysto casharadii laga bartey dagaalada sokeeye, oo uu xusay in dib u dhac weyn ku keeneen qaaradda.
Abshir Xaaji Abdulaahi
Email:- Abshirdhiirane@gmail.com
PUNTLANDPOST.COM
The post Xasan Sheekh oo ku baaqay joojinta colaada Koonfurta Sudan appeared first on Puntland Post.