Galkacyo-(Puntland Post) Mareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo Siciid C/raxmaan Yusuf Dhagaweyne ayaa beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta qaar oo sheegaya in ay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Somaliya la wareegen garoonka diyaradaha ee C/laahi Yusuf.
Mareeyaha garoonka oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Galkacyo ayaa sheegay inaysan jirin wax ciidamo ah oo la wareegay garoonka diyaradaha uuna shaqeenayo garoonka.
Wuxuu tilmaamay Maareeyuhu howlaha Garoonka inay yihiin kuwa caadi ah oo shaqeynaya, islamarkaana aysan jirin wax isbedel ah.
“Wararkaasi waxba kama jiraan dad aan dooneyn nabadda ayaa sheegay waana been Garoonka Gaalkacyo cid la wareegtay ma jirto.” Ayuu yiri maareeyaha Garoonka Magaalada Gaalkacyo.
Warbaahinta qaar ayaa saaka qoray wararka la xiriira in ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Somaliya ay la wareegeen gacan ku haynta Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo, balse arintaasi ayaa noqotay mid been abuur ah.
PUNTLAND POST
The post Maamulka garoonka diyaaradaha C/laahi Yusuf oo beeniyey warar been abuur ah appeared first on Puntland Post.