Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kormeer deegaanka loogu kuur-galayo oo ka bilowday Puntland

$
0
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda deegaanka, ilaalinta duurjoogta iyo dalxiiska Puntland Faarax  Cali Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda qorsheynta iyo horumarinta siyaasadaha wasaarada deegaanka Liibaan Maxamed Faarax ayaa socdaal ku tagey deegaano ka tirsan Gobolada Nugaal iyo Mudug , gaar ahaan degmada Jariiban ee Gobolka Mudug iyo Tuulooyinka kala ah Reemanti iyo Mayle oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Ujeedada socdaalka masuuliyiintan ayaa salka ku haysay dayactirka iyo dib u howl-galinta xafiiskii daaqa qaranka ee dowladii dhexe ee Somalia ku lahayd Degmada Jariiban ,U kuur galida xaalada deegaanka, ilaalinta duurjoogta iyo wacyi galinta bulshada ku nool tuulooyinka Reemanti iyo Mayle.

Waftiga ayaa ugu horeyn socdaalkooda ku tagay degmada Jariiban , waxayna kormeer ku tageen halka ay ku taalo xaruntii hore ee daaqa qaranka degmada Jariiban taas oo ay hoy ka dhigteen dad shacab ah, Islamarkaana waxa ay ku guulaysteen xubnaha waftiga ee wasaaraddu in laga saaro dadka degan goobtaas dhawaan loo dayactiro.

IMG_4606Waftiga ayaa intii ay ku sugnaayeen Jariiban booqday goobaha muhiimka u ah bulshada sida iskuulada halka ay kulamo la qaateen Odoyaasha dhaqanka iyo bulshada .

Socdaalka waftiga oo ahaa mid qaatay saddex maalmood waxay sidoo kale kusoo mareen tuulada Reemanti iyo Mayle , Halkaas oo ay kulamo looga arrinsanayo iskaashi wax-qabad oo lagu ilaalinayo deegaanka kula yeesheen  Odoyaasha iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool .

Faarax Cali Abdi Wasiir kuxigeenka deegaanka iyo Liibaan Maxamed Faarax Agaasimaha waaxda qorsheynta wasaaradda ayaa is dultaagay wax-qabad ilaalada deegaanka iyo bulshada tuulada Reemanti ka sameeyeen arrimo lagaga hortagay xaalufka deegaanka sida goob ay kaga rogeen gawaari nooca xamuulka ah xaabo la doonayay in laga gurto nawaaxiga tuulada Reemanti ee Gobolka Nugaal.

Sidoo kale Wasiirka iyo waftigiisu waxa ay kala qeyb galeen bulshada iyo ilaalada deegaanka reemanti go,aan ay ku mamnuuceen bacda oo horey wasaaradda deegaanku ugu aqoonsatey inay tahay Sheydaanka dhirta , taas ay si wada jir ah ugu gubeen wasiirka iyo bulshada tuulada Reemanti goob fagaaro ah .

IMG_4571 IMG_4572 IMG_4573 IMG_4576 IMG_4578 IMG_4580 IMG_4589 IMG_4596 IMG_4601   IMG_4605 IMG_4606 IMG_4608 IMG_4611 IMG_4621 IMG_4625  IMG_4633 IMG_4638 IMG_4640 IMG_4642 IMG_4646 IMG_4648 IMG_4649 IMG_4650 IMG_4655 IMG_4684 IMG_4695 IMG_4698 IMG_4699 IMG_4707 IMG_4710 IMG_4711 IMG_4712 IMG_4714 IMG_4716 IMG_4730 IMG_4731 IMG_4732 IMG_4737 IMG_4739 IMG_4741 IMG_4743 IMG_4745 IMG_4746 IMG_4747 IMG_4754 IMG_4756 IMG_4760 IMG_4767 IMG_4775 IMG_4780 IMG_4782Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Kormeer deegaanka loogu kuur-galayo oo ka bilowday Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>