Madaxweynaha ku Xigeenka Puntland Eng C/Xakiim Cabdulaahi Haaji Cumar Cameey oo Maanta Wariyaasha la hadlay Ayaa Faah faahiyay xeerar Ay Soo saartay Puntland oo ku aadan Dhanka Amniga.
Ku Simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Eng Cameey ayaa sheegay in Xeerarkaasi ku saabsanaa in la hubiyo Gaadiidka galaya Puntland ay yihiin Awaamiir lagu xoojinayo Sugida Amaanka deegaanada Puntland.
Eng Cameey ayaa ka hadlay hadalo dhaleeceeyn ah oo loo jeedinayay Xeerarkaasi Ay Soo saartay Dowlada Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aanay Puntland cidna marti uga noqon doonin in ay sugato Amnigeeda.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay xiisado baryihii la soo dhaafay ka taagneyd Magaalada Gal-kacyo waxaana uu ku baaqay in la xaliyo oo meesha laga saaro Xiisadahaasi.
Dhowaan Puntland ayaa soo saartay awaamiir ku aadan Gaadiidka ka imaanaya dhanka koonfurta Somalia ee galaya Deegaanada Puntland.
PUNTLAND POST
The post Puntland oo Faah Faahisay Awaamiir Dhanka amniga ah oo dhowaan ay Soo Saartay appeared first on Puntland Post.