Dowlad-gobolleedka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya ayaa walaac ku aadan dhinaca Amniga ka muujisay boqolaal ruux oo u badan dhalinyaro oo kazoo laabanaya xeryaha qaxootiga dalka Kenya .
Gudoomiyaha Gobolka Jubbadda hoose Cabdirashiid Cali Gooni ayaa sheegey inay kala hadleen hay,adda qaramada midooobay ee UNHCR walaaca Jubaland ka qabto qaxootiga dib ugu soo laabanaya dalkooda.
“Waxan u sheegnay inay dhici karto qatar amni,”ayuu yiri Gooni. “Dadkan dhallinyarada ay ku jiraan sida xoolihii in loo soo daabulo ma aha ee qorshe lugu maareeyo nolashooda ayaa la doonayo,”ayuu raaciyay hadalkiisa guddoomiyaha gobolka Jubbada hoose.
Waxaa kalo uu sheegay in laga daanayo Qaramada Midoobay sidii ay dhallinyaada ugu abuuri lahayd waxbarasho iyo shaqooyin,taaso ka badbaadin karta nolashooda inay halowdo.
Jubbaland ayaa marti-galinaysa qaxootiga ugu badan ee ka soo laabanaya xeryaha Dhadhaab,markii dowladda Kenya ay sheegtay inay xireyso xeryaha oo ah kuwa ugu weyn caalamka ee ay ku nool-yihiin qaxooti.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Jubaland oo walaac ka muujinaysa qaxootiga kasoo noqonaya dalka Kenya appeared first on Puntland Post.