Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaarada Qorshaynta Puntland oo la shirtay Hay,addaha NRC iyo Mercy Corpse

$
0
0

Waxaa maanta ka furmay hoolka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Garowe kulan isla xisaabtan iyo dib u eegis loogu samaynayo mashaariicda ay ka fuliyaan Puntland hay,addaha NRC iyo Mercy Corpse , Waxaana goob joog ka ahaa Wasaaradaha  kala ah Wasaaradda Arrimaha gudaha,Wasaaradda Waxbarashada,Wasaaradda Shaqada iyo Shaqalaha iyo Wasaaradda Ganacsiga.

Maxamed Axmed Cali “Geelle” oo Aqoonyahan ku takhasuusay arrimaha horumarinta mashaariicda Islamarkaana hogaaminaya kooxda loo xil saaray barnaamijkan ayaa  ka warbixiyay ujeedada kulanka, wuxuuna sheegey inay la xiriirto  dib u eegis , isla xisaabtan iyo kormeer la rabo in lagu sameeyo mashaariicda laga fuliyo deegaanada Puntland

Geelle ayaa yiri “  Waxaan doonaynaa inaanu idin ka hubino  in sidii loogu tala-galay aad u  gaarsiiseen mashaariicdii la idin soo dhiibay, Waxaana rabnaa inaan ogaano inaad gaarsiiseen meeshii looga baahnaa iyo cidii u baahnayd, Waxaan doonaynaa inaan ogaano in mashaariicdu waafaqsan yihiin qorshaha 5ta sano ee horumarinta Puntland “

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Xuseen Cabdi Jaamac ayaa sheegey in kulankani uu daba-socdo barnaamij ku saabsan sidii loo xoojin lahaa mashaariicda ka socota Puntland iyo Sidii looga faa,iideysan lahaa wada shaqeynta hay,addaha iyo dowlada ka dhaxaysa, Kaas oo uu sheegey inuu si rasmiya u daahfuray Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Shire Xaaji Faarax.

Agaasime Xuseen Cabdi waxa uu sheegey in kulankan midkii ka horeeyey ay la yeesheen hay,adaha kala ah World Vision iyo ADRA , Islamarkaana uu noqonayo inta uu socdo barnaamijkani mid ay Wasaaradiisu ku hubinayso in si cadaalad ah hay,adduhu mashaariicda ugu qaybiyeen deegaanada iyo shacabka ku nool mandiqada Puntland.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 15 16Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wasaarada Qorshaynta Puntland oo la shirtay Hay,addaha NRC iyo Mercy Corpse appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>