Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Tababar Garowe ugu soo xirmay madax-qaybeedyada maamulka lacagaha Puntland

$
0
0

Garowe: Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 28-Aug-2016 soo gaba-gaboobay tababar muddo lix maalmood ah ka socday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland, tababarkaas oo loo qabtay Madaxqaybeedyada maamulka iyo lacagaha iyo Madax qaybeedyada IIbka (Finance Unit Heads & Procurement Unit Heads)  ee Hay’adaha iyo Wasaaraddaha ka faa’iidaysanaya mashruuca tayeynta iyo shaqo qorista  uu Bangiga Adduunku maal galinayo, waxaana xiriirinayey guddiga isku dubbaridka iyo xiriirinta(Project Coordination Unit-PCU) ee xafiiska Madaxweynaha.

Tababarkan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii shaqaalaha cusub  aqoontooda kor loogu qaadi lahaa ka hor inta aysan tagin xaruumahooda shaqo ee ay ka hawl geli doonaan , tababarkan ayaa si khaas ah ula xiriiray shaqo maalmeedka ay qaban doonaan  shaqaalaha cusubi markay xafiisyadooda tagaan.

Shaqaalahaan cusub ee uu tababarku uso gebgeboobey  ayaa sheegay in ay wax badan ka  faa’iideen mudadii uu tababarku socday, iyagoo sheegay in ay qaateen casharo kala duwan  oo ay bixinayeen khuburo ku takhakhustay casharadii ay qaateen, taas oo wax badan ka saacidi doonta gudashada waajibaadkooda shaqo ee maalin laha ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha ee qaybta dhallinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabdalle Tigaana iyo Agaasimaha guud ee qaybta shaqaala Jibriil Maxamed Saalax , ayaa ugu horayn u mahadcelisay dhammaan dadkii ka qayb-qaatay suurta galinta tababarkan,  iyadoona ay si khaas ah ugu mahadceliyeen Guddiga xiriirinta mashruuca ee Xafiiska Madaxweynaha (Project Coordination Unit-PCU) iyo tababarayashii bixinayey casharada mudadii uu socday tababarku, kuwaas oo ka kala socday, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, Jaamacadda PSU iyo Shirkadda Geopolicity Int.

Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed  oo ah Xiriiriyaha  mashruuca  ayaa uga horayn uga mahadceliyeey Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha sidii hawlkarnimada lahayd ee ay u soo agaasimeen tababarka, islamarkaana u daadihiyeen mudadii uu socday tababarku, Maxamed ayaa sidoo kale u mahadceliyeey tababarayaashii bixinayeey tababarka.

Xiriiriyaha Mashruuca ayaa sheegay in ay dadaal dheeri ah ugu jiraan  sidii  mashruucani uu mirro dhal u noqon lahaa isla markaasna Dowladdu uga faa’iidaysan lahayd. Wuxuu intaas ku daray  in kor loo qaadi doono tayada iyo aqoonta shaqaalaha, dhawaana la bilaabi doono tababarro lagu kobcinayo aqoonta shaqaalaha. Ugu danbayn wuxuu kula dardaarmay shaqaalaha tababarka la siiyeey  in ay uga faa’iidaystaan sida ugu wanaagsan, isla markaasna daacad u noqdaan dalkooda iyo dadkoodaba.

DSC_0822 DSC_0839 DSC_0856 DSC_0859 DSC_0888 DSC_0889 DSC_0890 DSC_0892 DSC_0893 DSC_0896 DSC_0897

The post Tababar Garowe ugu soo xirmay madax-qaybeedyada maamulka lacagaha Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>