Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hooyo ka qalin-jabisay Jaamacadda PSU ee Garowe

$
0
0

Maamulka Jaamacadda PSU ayaa u Hambalyeeyay  Hooyo ka mid ah ardey dhamaysatay waxbarashada heerka 1aad ee Jaamacadda, Islamarkaana ah qof wayn oo shahaada Becholarka ka qaata Jaamacadda Puntland State University ee Garowe.

Maamo Safiya Jaamac Gayre ayaa ka mid ahayd  45 arday oo dhameysatay kuliyada Shari’a And Law ee jaamacadda PSU, Waxayna noqotay ardayadii ugu horeysay oo buuga dhamaysa marka loo eego Ardeydii kale ee ay isku fasalka ahaayeen.

Hooyo Safiyo waxay waxbarashada ka bilowday Jaamacadda PSU oo ah mid soo saarta qof kasta sanadkii 2012-kii, Iyadoona 4 sano baranaysay kuliyada ugu balaaran kuliyadaha jaamacadda ee  Shari’a And Law

Maamulka Jaamacadda PSU waxa ay sheegeen inay ahayd  Maamo Safiyo qof dadaal badan oo aan  marna ka niyad jabin inay ka harto waxbarasheeda , waana tan keentay inay hadda dhamaysato waxbarashada jaamacadda iyada oo ku faraxsan inay gaartay Himiladeedii fogayd.

1 2 3Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Hooyo ka qalin-jabisay Jaamacadda PSU ee Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>