Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

“DAAWO” Wareysi xiiso leh Aadan Gaadaale dhismaha wadada Eyl ee Gobolka Nugaal

$
0
0

Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) oo wareysi maanta siiyay Warbaahinta Puntland post ayaa ka hadlay sababta loogu leexiyey wadada EYL dhinaca Degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal, wuxuuna sheegey inay ku timid ka dib qiimayn muddo socotay oo ay aakhirkii Xukuumadda Puntland go,aamisay in laga bilaabi dhismaha wadada goobta shaqadeedu hadda ka socoto , Taas bedelkeedana aanu ahayn go,aan ka yimid guddiga dowladu u xil-saartay dhismaha jid laamiya oo isku xiraya Degmada Eyl iyo Dongoroyo.

Aadan Gaadaale oo ka mid ah siyaasiinta caanka ka ah deegaanada Puntland , Islamarkaana kazoo mid noqday sanadkii 2009 musharaxiintii u tartantay kursiga Madaxweynaha Puntland, ayaa faahfaahin dheer ka baxshay  qaabka ay ku timid dhismaha wadada Eyl , Shaqada hadda ka socota iyo xiriirka guddigiisu la leeyahay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa uu sheegey inuu ka mid yahay  13 xubnood oo uu  Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali “GAAS” u magacaabay dhismaha wadada Eyl iyo Dongoroyo, isagoona hoosta ka xariiqay ka hor inta aan la bilaabin shaqada wadada inay qiimayn  kusoo samaysay labo wado tan loo xulan karo in jid laamiya loo saaro degmada Eyl  hay,adda Puntland u qaabilsan wadooyinka iyo guddi injineero ah ,ugu danbeyntiina dowladu si buuxda u go,aamisay in laga bilaabo dhismaha wadada halka shaqadeedu hadda ka socoto.

Wuxuu ugu baaqay Aadan Gaadaale qaybaha kala duwan ee bulshada inay kaalintooda ka geystaan dhismaha jidkan oo uu sheegey inuu ku kacayo dhaqaale fara-badan , Isagoona sheegay  in guddiga loo xilsaaray diyaar u yihiin inay ka qanciyaan cid kasta oo tabasho qabta, Wuxuuna ku nuux-nuuxsaday faa,iidada wadadani u leedahay dalka iyo dadka taas oo uu sheegay inuu fahmi karo qof walba oo garaad uu alle siiyay.

Dhawaan ayay ahayd markii  warbaahinta laga shaaciyay cabasho ay ka muujiyeen halka laga bilaabay dhismaha wadada Eyl  shacabka ku nool tuulooyinka Farxamur, Budunbuto iyo Baarwayn , Iyadoona warbaahinta PUNTLAND POST ku waydiisay wareysiga uu siiyay Dr Aadan Ciise Gaadaale  su,aalo qeyb ka ah arrimahaas .

Hadaba daawo wareysi xiiso leh oo  PUNTLAND POST la yeelatay Aadan Gaadaale  .

Abshir Dhiirane

PUNTAND POST

The post “DAAWO” Wareysi xiiso leh Aadan Gaadaale dhismaha wadada Eyl ee Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>