Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho Ayaa maanta ku Dhawaaqay in ay sameeyeen shaqo joojin.
Shaqaalaha ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan Baahsan oo Muddooyin Bilo Ah oo Aad u farabadan heeysay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in aanay jirin saakay wax shaqo ah oo ka socoto Gudaha Garoonka dhamaan shaqaalaha ayaa joojiyay shaqadii Ay hayeen waxaana ay isugu yimaadeen Afaafka hore ee Garoonka.
Mid kamid ah Shaqaalahaasi Ayaa Puntland Post u sheegay in aanay shaqo bilaabeeynin ilaa iyo Xaqoodii meel la saaro.
Garoonka Magaalada Muqdisho Ayaa waxaa Gacanta ku heeysa Shirkad Laga leeyahay Dalka Turkiga oo la Yiraahdo Favori .
Dowlada Somalia wax war ah kama aanay soo saarin shaqo joojintaan ay sameeyeen Shaqaalaha Garoonka Muqdisho.
Cabashada Mushaarka ayaa sidoo kale waxa ay heeysataa Dhamaan Laamaha kala duwan ee Dowlada Somalia.
Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho
The post Shaqaalaha Garoonka Muqdisho oo Shaqo Joojin Sameeyay appeared first on Puntland Post.