Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dagaal ka soconayo Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo

$
0
0

Wararka Naga soo gaaraya dagmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka qarxay Dagaal culus.

Dagaalkani ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamo uu hogaaminayo wasiirka Amniga ee Jubbaland oo baryihii ugu dambeeysay ku sugnaa Degmadaasi Balad-Xaawo iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.

Qasaaraha sida hordhaca ah oo aan ka heleeyno Balad-Xaawo ayaa waxa ay sheegayaan in inta la xaqiijiyay Dagaalkaasi ay ku dhinteen 3 Ruux in kabadan 12 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay ayaa u badan dhinacyada dagaalamay hayeeshee dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira dad rayid ah oo ku sugnaa Goobta dagaalka uu ka socdo.

Dadaalo lagu joojinayo Dagaaladaasi ayaa waxa ay ka socdaan Gudaha Magaalada Balad-Xaawo Waxaana dadaaladaasi wada odoyaasha dhaqanka iyo Maamulka B/Xaawo.

PUNTLAND POST

The post Dagaal ka soconayo Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>