Ciidamada amaanka Dowlada Somalia ayaa Magaalada Muqdisho ku Qabtay Gaari Nooca loo Yaqaano CARIB-ta oo laga soo Soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.
Gaarigaan ayaa waxaa Ay Ciidamada Amaanak Dowlada Somalia ku Qabteen Agagaarka Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Xaawo Taago oo ku yaala Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Xalane oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu raadjoogo kooxii watay Gaarigaasi qaraxa waday oo ka baxsaday ciidamada Amaanka Dowlada Somalia.
Magaalada Muqdisho Ayaa waxaa ka dhaca Qaraxyada loo adeegsado gaadiid lagu Soo buuxiyay waxyaabaha qarxa Waxaana Ciidamada Amaanka Dowlada Somalia Ay Muqdisho ka sameeyeen Howlgalo lagu xaqeejinayo Amaanka Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar -Cowke
Puntland Post Office Muqdisho-Somalia
The post Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo muqdisho lagu qabtay appeared first on Puntland Post.