Tirada odayaasha soo xulaya baarlamaanka ayaa la kordhiyay,markii lugu daray xubno cusub,sida ku cad qoraala ay saxaafaddu heshay.
Warbaahinta ayaa baahisay warqad uu ku saxiixan-yahay guddoomiyaha baarlamaanka waqtiga uu ka sii dhammaanayo ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,waxaana warqada ay ku socotay guddoomiyaha guddiga heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban ee Qaranka.
Waxaa lugu magacaabay warqada loo diray guddiga doorashooyinta Nabadoon Maxamed Axmed Xuseen (Shukri) in uu guddoomiye u noqdo guddiga dhaqanka ee beesha Reer-Aw-Xasan ee gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Nabadoon Maxamed Axmed Xuseen (Shukri) ayaa sida ku xusan warqadda wuxuu madax ka noqondoona howlaha la xiriira soo xuladda kursiga beesha Reer Aw-Xasan ee gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Suldaan Maxamed Cabdi Cumar ayaa horay ugu magacownaa beesha Reer Aw-Xasan xulitaanka Beesha, laakin waxaa soo if-baxay in uu jiro cabasho la xiriirta beesha dhexdeeda, taas oo dhalisay in xubin cusub lagu daro odayaasha dhaqanka.
Waxaan la saadalin karin sida guddiga doorashada Heer Federaalka ka yeelidoonaan arrintaan oo loo arko inay albaab u noqon korto xubno cusub oo kale in lagu soo daro guddiga odayaasha dhaqanka ee loo xil saaray soo xulidda baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya.
Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii June 23keedii lagu go’aansaday in 135 oday ay soo xulaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya,waxaase hadda ay gaaraysa tirada odayaasha baarlamaanka soo xulaya 136,marka lugu daro xubnahaan cusub.
Hoos ka akhri warqadda
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Odayaasha soo xulaya baarlamaanka cusub oo la kordhiyay appeared first on Puntland Post.