Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa Maanta magaalada Muqdisho Waxa ay ku yeesheen kulankoodii Qamiislaha ahaa.
Shirkaan Golaha Wasiirada ayaa waxaa Shir gudoominayay Ra’isilwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib.
Kulanka Ayaa ugu horeeyn looga tacsiyeeyay ehaladii iyo Qaraabadii Dadkii ku Dhintay Weerarkii ka dhacay Hoteelka SYL ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Somalia C/qaadir Sh.Cali Diini ayaa Golaha wasiirada hortooda ka balan qaaday in ay Qaadi doonaan weerar ka dhan Ah Al-Shabaab.
Kulanka Markii uu soo idlaaday Ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Xukuumada Somalia C/Casiis Cabdi Xaaji Goobdoon Waxaana uu faah faahin ka bixiyay kulankii Golaha wasiirada ee Maanta.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Dowlada Somalia oo ku dhawaaqday in weeraro deg-dega lagu qaadayo Al-Shabaab. appeared first on Puntland Post.