Waxaa maanta lagu dilay magaalada Galkacyo xarunta Gobolka Mudug ganacsade caan ah oo kasoo jeeday dhinaca Waqooyiga ee ay maamusho Puntland xilli uu ku sugnaa suuq lagu magacaabo Dar-xumo oo ku yaalla xadka labada maamul Galmudug iyo Puntland
Dilka ayaa la sheegay inuu gaystay ruux hubaysan oo aan ilaa hadda haybtiisa la aqoonsan balse markii dambe la sheegay inuu u baxsaday dhinaca xaafadda Baraxleey ee Koonfurta gaalkacyo
Ganacsadaha dhintay ayaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Cismaan Sheekh Axmed, waxaana la toogtay xilli mashquul xooggan uu ka jiray suuqa xoolaha balse marxuumku uu ahaa nin halkaas iska marayay.
Dhinaca kale dhacdadan waxaa dhaawac fudud oo gacanta kasoo gaartay ruux kale oo la sheegay inuu la socday marxuumka la dilay, kaas oo hadda lagu dabiibayo Isbitaalka Gaalkacyo, Islamarkanaa xaaladiisu wanaagsan tahay.
Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dilkaasi, Si la mid ahna ma jirto cid sheegatay masuuliyadda falkan lagu dilay Ganacsade can ah .
Ciidamo kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta ganacsadaha lagu dilay, waxayna ka bilaabeen baaritaano waqti kooban socday oo hakad galiyay isu socodka iyo dhaq-dhaqaaqa suuqa.
PUNTLAND POST
The post Ganacsade caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.