Iska hor imaad ayaa ka dhacay dalka Gabon, kadib markii Madaxweynaha xilka haya Cali Bongo lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii in kayar lix kun oo cod.
Mucaaradka Jean Ping, ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen markii ciidamada ammaanka ay galeen xarunta mucaaradka xalay.
Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in howlgalka loogu tala galay in lagu helo dadkii masuulka ka ahaa gubista xarunta baarlamaanka dalkaas oo dab la qabad-siiyay Arbacadii.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Ciidamada dalka Gabon oo weeraray xarunta mucaaradka. appeared first on Puntland Post.