Wararka hadda naga soo Gaaraya Magaalada Laascaanood ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi lagu Dilay Ganacsade Maxamed Xirsi Yuusuf oo ahaa Madaxii Xisaabaadka Shirkadda Dahabshiil ee Gobolka Banaadir .
Ganacsadaha ayaa caawa Lagu dilay Laascaanood oo booqasho uu ku joogay, kana soo jeeday.
Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Xirsi Yuusuf Ayaa Dableey ku hubeeysan Bastooladu Waxa ay ku dileen Magaalada Laascaanood.
Xiliga la dilayay Marxuumka ayaa waxa uu ka soo baxay Salaadii Cisho.
Lama oga ilaa iyo hadda cida Sida rasmiga ah dilkaasi uga dambeeysa.
Marxuumka ayaa waxa uu ahaa nin caan ah oo ay si weeyn u garanayaan Dadka ku Dhaqan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah
PUNTLAND POST
The post Ganacsade Caan ah oo Laascaanood Lagu Dilay appeared first on Puntland Post.