Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxii Ganacsiga Shirkadda Golis Cumar Faaruq oo shil gaari ku geeriyooday

$
0
0

Alle ha u naxariistee waxaa shil gaari ku geeriyooday Madaxii Hoggaanka Ganacsiga ee shirkadda Golis ee Puntland Cumar Ciise Maxamed (Cumar Faaruuq) iyo wiil uu dhalay oo magaciisa la yiraahdo Ciise Cumar Faaruuq ka dib markii uu kula rogmaday gaarigii ay wateen tuuladda Labo iyo Labaatan oo 22 Km u jirta Garowe

Shilkan oo dhacay duhurnimadii maanta  waxaa ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo uu ku jiro wiil uu dhalay Marxuum Cumar Faaruuq, waxaana hadda lagu dabiibayaa cusbitaalka guud ee Garowe.

Marxuumka iyo dadkii la socday ayaa kasoo safray magaaladda Bosaso, waxayna ku soo jeedeen magaaladda Garowe.

Marxuumka ayaa16sano ka shaqeynayey shirkadda Golis ,isagoona ka mid ahaa shaqaalihii ugu horeeyey ee ka howlgala shirkada, wuxuuna jagooyin kasoo qabtay Golis.

Madaxa iyo shaqaalaha Puntland Post ayaa tacsi u diraya qoyskii,ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Cumar Faaruuq,waxayna EEBE uga baryeen in uu naxariistii Janno ka waraabiyo,ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Madaxii Ganacsiga Shirkadda Golis Cumar Faaruq oo shil gaari ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles