Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Qaramada Midoobay oo ka digtay abaaraha ka jira Puntland iyo Somaliland

$
0
0

Qaramada Midoobay ayaa digniin xoogan ka bixisay xaalada abaareed ka jira Puntland iyo Somaliland ka dib markii uu sheegay xafiiska gargaarka QM ee OCHA, inay gaartay xaalada abaartu in dad badan iyo xoolahoodii ay ka haajiraan deegaanadii ay ku noolaayeen iyagoo raadinaya biyo iyo cunto.

OCHA waxay kaloo sheegtay in afartii sano ee ugu dambeysay uu roobku aad u yaraa, sababo la xiriira duufaanada iyo isbedelka ku yimid cimilada.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale shaacisay in guud ahaan Soomaaliya ay wajahayso roob yari, inta dhaxeysa bilaha Actobar iyo January 2017(xilliga deyrta), taasoo laga cabsi qabo inay kor usii qaado gaajo iyo hayaanka.

Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, QM waxay sheegtay in 4.7 milyan oo dad ah ay u baahan yihiin gargaar, kuwaas oo ay samayn ku yeelatay colaadaha  u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada Amisom oo taageeraya ciidanka dowladda Soomaaliya.

Bishii Augusto gurashada dalaga beeraha ayaa hoos u dhacay inta u dhaxeysay 30-50%, iyadoo loo sababeynayo yaraanshaha roobkii Gu’ga ee bilihiiApril iyo July.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo ka digtay abaaraha ka jira Puntland iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>