Xaafada Daruuraha Ee katirsan Degmada 26 June Ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa laga soo sheegayaa in Biyo yari baahsan ay soo foodsaartay.
Waxa lagu sababeeyey Biyo yaraanta markii Biyihii utegi jiray Xaafadahaasi laga leexiyey Tuubooyinkii aadi jiray sida ay sheegtay Wakaalada Biyaha Soomaaliland.
Hooyooyinka qaarkood ayaa waxay ka hadleen dhibaatada Biyo la’aanta ah ee Soo food saartay iyagoo sheegay in dhibaato kala kulmaan kareetada biyaha ushubta.
Mid ka mid ah Hooyooyinka Xaafada Daruuraha ayaa muujisey in la isku dilo mararka qaar Biyaha Dameerka lagu soo dhaamiyo si aan la iskaga dhameysana gacan ka hadal dadka ku dhexmaraan.
Abshir Dhiirane
PUNTAND POST
The post Biyo la,aan baahsan oo ka jirta magaalada Hargeysa appeared first on Puntland Post.