Somaliland ayaa sheegtay in aanu khuseyn go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku joojisay duulimaadyadii qaadka ee ka imaan jiray Kenya, laga bilaabo 6-da September oo maanta ku beegan.
Wasiirka Gaadiidka ee Somaliland Farxaan Aadan Heybe oo la hadalay qar ka mid ah war baahinta ayaa sheegay in aanay iyagu ka tirsaneyn Soomaaliya, isla markaana diyaaradaha qaadka ay isticmaali karaan garoomada diyaaradaha Somaliland.
“Go’aanka Soomaaliya ku joojisay Qaadka nama khuseeyo, diyaaradaha qaadka sida waxay isticmaali karaan garoomada diyaaradaha Somaliland”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Somaliland.
Somaliland ayuu qaadka uga yimaadaa Itoobiya, waxaana uu soo maraa dhinaca dhulka, balse magaalada Laascaanood ayaa maalin kasta ka degta diyaarad Qaad sida oo ka timaada Kenya
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aanka ay ku joojisay duulimaadyada qaadka ee Kenya ka keena ay tahay mid KMG ah, isla markaana uu saameynayo dhamaan garoomada diyaaradaha Soomaaliya.
CABDIQANI BOOS
PUNTLAND POST
The post Somaliland: “Nama khusayso Amarka lagu joojiyay diyaaradaha Qaadka” appeared first on Puntland Post.