Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa diiday inuu kulan la qaato Madaxweynaha dalka Philippine Rogrigo Duterte, oo si shakhsi ah u aflaageedeeyay Obama.
Isniintii ayaa madaxweyne Rodrigo Duterte, waxa uu Obama ku tilmaamay in uu yahay wiilka hooyo jirkeeda ka ganacsan jirtay.
War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu markii dambe Mr. Duterte ayuu ku sheegay in uu ka xunyahay weerarkaasi shakhsiga ee uu ku qaaday Obama.
Madaxweyne Obama, oo ka degay dalka Laos ee koonfur bari Aasiya kaddib markii uu ka qayb galay shirka waddamada G20 ee lagu soo gaba-gabeeyay dalka Shiinaha ayaa lagu waday in uu walaac ka muujiyo tacaddiyada ka dhanka ah xaquuqul insaanka ee ka jira dalka Philippines.
Madaxweyne Obama markii hore waxa uu u muuqday mid aan waxbo ka soo qaadeyn aflagaadadaasi uga timid madaxweynaha Philippines, waxuuna sheegay in uu ka codsaday la taliyeyaashiisa in ay darsaan suurtagalnimad inay ka wada hadli karaan arrimo muhiim ah, balse markii dambe waxaa la joojiyay kulan dhex mari lahaa labadan Madaxweyne.
Socdaalka Obama ku marayo qaaradda Aasiya isaga oo madaxweyne ah ayaa la kulmay dhowr dhacde oo aan wanaag sanayn, waxaana ka mid ah muran dhanka nidaamka ah oo kala dhaxeeyay dalka shiinaha oo marti gelinayay shirkii G20.
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Philippine oo aflagaadeeyay Obama appeared first on Puntland Post.