Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta si rasmiya ugu wareejiyey gudoonka waxbarashada degmada Eyl gaari bus ah oo loogu tala-galay ardeyda dhigata dugsiga sare ee degmada Eyl Gobolka Nugaal.
Gaarigan ayaa meesha ka saari doona baahida ay u qabeen qaar ka mid ah Ardeyda dhigata dugsiga sare Eyl oo maalin walba waxbarashada uga soo lugeeya masaafo dhan 5 KM gaar ahaan kuwa ku nool xaafadda Badeey ee ku taala xeebta Eyl.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa ku amaanay qaybihii wasaaradda kala soo qayb qaatay in loo helo ardeyda EYL gaarigan buska ah.
Waxaa si wayn loogu mahad-celiyey ganacsatada, Jaamacadaha kala ah Puntland State University (PSU) , East Africa University (EAU) iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo la sheegey inay iska kaashadeen soo iibinta gaarigan loogu tala-galay Ardeyda Dugsiga sare ee degmada Eyl.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii loo mahad-celiyey inay kazoo qayb qaateen helida Gaarigan Gudoomiyihii horre ee Gobolka Mudug, Ahna mulkiilaha shirkadda Dalxiiska ee MAGOOL Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey), Gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Bariga Africa Faraceeda Garowe Cabdiraxmaan Bandiiriye , Ganacsade Abshir Cumar Huruuse,Ganacsade Cismaan Guureeye Kaarshe iyo Saxaafadda.
Hoos ka akhriso warbixin ay Puntland Post ka qortay dhibaatada haysatay ardayda dugsiga EYL
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Ardeyda dugsiga sare Degmada Eyl oo baabuur loo iibshay appeared first on Puntland Post.