Gaalkacyo (Puntland Post):- Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay ayaa guddi ka kooban 19 qof u magacaabay dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo ka dib waxyeeladii kazoo gaartay qaraxyadii xasuuqa ahaa ee bishii lasoo dhaafey lagu bartilmaameed-saday xarunta dowlada hoose iyo suuqa xero Dayax ee magaalada Gaalkacyo.
Guddigan oo ay xubno ka yihiin qaar ka mid ah gollaha Wasiiradda Puntland,Baarlamanka ,Maamulka Degmada Gaalkacyo,Ganacsato iyo Odoyaal dhaqmeed ayuu magacaabay sida dikreetada ku taariikheysan 1-dii bishan Setember 2016 Madaxweyne Cabdixakiin Cumar Camay
Waxaana lagu cadeeyey dikreetada kazoo baxay xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Puntland in xubnaha loo magacaabay guddiga dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo ay sii magacaaban karaan guddi hoosaad kale oo arrintan kala shaqeeya.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post ENG Camay oo guddi dib u dhis u magacaabay Isbitaalka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.