Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Gaas oo danaha Puntland kala hadlay Safiirka Qadar

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maalintii isniinta soo gaarey Muqdisho ayaa kulan la qaatay ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya Hassan Bin Hamza Asad.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Qadar ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira danaha Puntland iyo sidii ay Dawladda Qadar uga qayb qaadan lahayd mashruuca dayac tirka khasaarihii ka dhashay qaraxyadii kala duwanaa ee argagixisadu ka geysteen magaalada Gaalkacayo, qaraxyadaasi oo sidoo kale dhibaato xooggan gaarsiiyay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale waxaa uu Dawladda Qadar u jeediyay inay Dawladda Puntland ku gacan siiso dib u dhiska Cusbitaalka magaalada Gaalkacayo oo ay si weyn dhibaato ugu geysteen qaraxyadii Gaalkacayo ee ay soo maleegeen kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab, kuwasi oo ay ku nafwaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan isla markaana ay ku buburtay hanti baaxad leh.

Hassan Bin Hamza Asad Ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya ayaa dhankiisa tilmaamay in Dawladda Qaddar ay soo dhoweynayso in ay taageerto gobolada Puntland .

Sidoo kale wuxuu sheegay in Dawladda Qadar ay ka xuntahay dhibaatadii ururka al-Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacayo,wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaasi isagoo caafimaad u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.

Ku simaha Safiirka Qadar ee Soomaaliya wuxuu sidoo kale sheegay in Dawladda Qadar ay ka qayb qaadanayso mashruuca dayactirka khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Gaalkacayo.

IMG_5663 IMG_5667 IMG_5670 IMG_5675 IMG_5678 IMG_5679 IMG_5682 IMG_5685 IMG_5687 IMG_5688 IMG_5689 IMG_5693 IMG_5696 IMG_5712 IMG_5713 IMG_5717 IMG_5719 IMG_5725 IMG_5726 IMG_5738 IMG_5745 IMG_5753 IMG_5756 IMG_5764 IMG_5794 IMG_5805 IMG_5834 IMG_5844

The post Madaxweyne Gaas oo danaha Puntland kala hadlay Safiirka Qadar appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>