Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Jubbaland ay Saakay u jiheeysteen Duleedka Magaalada Kismaayo oo Ay ku suganyihiin Al-Shabaab.
Ciidamadaan oo Wata Gaadiidka Dagaalka ayaa ka baxay Xarumaha Ciidamada Maamulka Jubbaland Ee Magaalada Kismaayo.
Saraakiisha Ciidamada Amaanka Maamulka Jubbaland oo Puntland Post la xiriirtay ayaa Sheegay in Ay qorsheeynayaan in Al-Shabaab ay ka saaraan goobaha ay ku suganyihiin ee Duleedka Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada Kale.
Madaxweynaha Jubbaland Sh.Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ku Dhawaaqay Dhowaan in uu bilaabanayo howlgalo Culus oo Al-Shabaab looga saarayo goobaha ay ku suganyihiin Ee Gobolada Jubbooyinka.
PUNTLAND POST
The post Ciidamada Jubbaland oo u jiheeystay Duleedka Kismaayo oo Al-Shabaab ku suganyihiin appeared first on Puntland Post.