Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta September, 07 2016 la kulmay safiirka Dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Oglan Bekar, waxaana kulankaasi uu ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii anba qaadi lahaa xiriirka Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka Dawladda Turkiga kala hadlay sidii loo sii anba qaadi lahaa xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Dawladda Puntland iyo Dawladda Turkiga.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka uga xog waramay weerarkii kooxaha Al-shabaab ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacayo, wuxuuna ku adkeeyey in Dawladda Turkigu ay kaalin muhiim ah ka geysato mashruuca dayac tirka hantidii ku burburtay weeraradii Gaalkacayo, sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland wuxuu safiirka u sheegay in uu burburay qaar ka mid ah Cisbitaalka magaalada Gaalkacayo ayna tahay arrinta u baahan wax ka qabasho deg deg ah maadaama uu Cisbitaalku yahay goob caafimaad oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Ambassador Oglan Bekar ayaa dhankiisa tacsi u diray dhamaan shacabka Puntland, wuxuuna caafimaad u rajeeyey dadkii dhaawacyadu kasoo gaareen weararadii Gaalkacayo , sidoo kale wuxuu tilmaamay in Dawladda Turkiga iyo Shacabkeedu ay ka xun yihiin weerarkii kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen Gaalkacayo.

Safiirka ayaa caddeeyey in Dawladda Turkigu ay ka qayb qaadanayso mashruuca dayactirka hantidii ku burburtay weeraradii magaalada Gaalkacayo ay ku qaadeen kooxaha sharwadayaasha ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku howlan sidii indhaha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa ka qayb qaadashada mashruuca dayac tirka hantidii khasaaruhu kasoo gaaray weeraradii Gaalkacayo.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

IMG_6168 IMG_6174 IMG_6180 IMG_6193 IMG_6196 IMG_6199 IMG_6201 IMG_6204 IMG_6206 IMG_6209 IMG_6210 IMG_6215 IMG_6216 IMG_6222 IMG_6228 IMG_6231 IMG_6234 IMG_6241 IMG_6242 IMG_6243 IMG_6292 IMG_6293 IMG_6297 IMG_6301

The post Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>