Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ay dileen afar kamid ah ururka Al-shabaab kaidb howlgal ay gudaha Soomaaliya ay ka sameeyeen todobaadkii tagay.
Warkan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa lagu sheegay in howlgalka uu dhacay Isniintii la soo dhaafay isla markaana uu jawaab u ahaa qorshe Al-shabaab ay ku damacsanaayeen in ay weeraraan howlgalka wadajir ah ee Mareykanka uu ka wado Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaankaTooro-Toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose isla markaana ururka Al-shabaab ay sameeyeen iska cabin.
“Intii ay socdeen howlgal ay hogaaminayeen ciidanka la dagaalanka argagaxisada ee Soomaaliya ayaa tiro badan oo Al-shabaab ah ayaa waxaa ay isku dayeen in ay khatar geliyaan goobaha ay ka howlgalaan ciidankaas, iyadoo taa laga jawaabayay ayaa qaadnay howlgal afar kamid ah ururka Al-shabaaba ayaa la diley,” sidaa waxaa sheegtay Captain Jennifer Dyrcz, oo afhayeen u ah howlgalka Mareykanke ee qaaeradda Afrika.
Mareykanka ayaa sidoo kale, sheegay in ay dishey duyuurad Drone ah horjooge C/laahi Xaaji Daa’uud bishii May ee sanadkan kaas oo qorsheynayay weeraro lagu qaado dalalka Kenya iyo Uganda.
PUNTLAND POST
The post Mareykanka oo Sheegay in uu dilay Afar Sarkaal oo Shabaab ah appeared first on Puntland Post.