Beeraleyda iyo ganacsatada qaadka dalka Kenya ayaa bilaabay mudaharaadyo ay uga hor jeedaan joojinta Soomaaliya ee duulimaadyada qaadka Kenya, iyagoo eedeyn u jeediyey guddoomiyaha gobolka Meru Peter Munya.
Beeralayda iyo ganacsatada ayaa sheegay in joojinta qaadka uu khatar ku yahay noloshooda iyo dakhligii soo geli jiray, isla markaana doonayaan in dowladda dalka Kenya wax ka qabato arrintan iyo sidii looga dhaadhicin lahaa Somaliya inay dib u furto ganacsiga qaadka.
Waxay sidoo kale cambaareyn kala dul dhaceen Guddoomiyaha Gobalka Meru Peter Munya oo dhawaan booqasho ku tagay Somaliland, arrintaasi oo la sheegay inay ka careysiisay dowlada Somaliya oo soo rogtay xanibaada qaadka, waxayna ganacsatadan kenyaanka ah sheegeen in guddoomiyaha Meru ay khaldanayd booqashadii Somaliland.
Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Meru Peter Munya ayaa isna sheegay in joojin qaadka Keny ay khatar ku tahay naftiisa, kooxaha qaadkuna ay raadsan doonaan islamarkaana dili doonaan.
Peter Munya ayaa Hargeysa u tagay si uu maamulka Somaliland ugu qanciyo in qaadka Kenya la suuq geeyo.
Bartiisa Facebook-ga ayuu ku soo qoray in taas badalkeeda uu u ololeyn doono in Kenya ay aqoonsato Somaliland.
PUNTLAND POST
The post Beeralayda Qaadka Kenya oo dhigay Mudaharaadyo appeared first on Puntland Post.