Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha gobolka qaadka lagu beero oo sheegay in naftiisu halis ku jirto

$
0
0

gudoomiyahaGuddoomiyaha Gobolka Meru,Peter Munya ayaa sheegay inuu qarka u saaran-yahay dil,ka dib markii lagu eedeyay sabab inuu u ahaa joojinta qaadka Kenya ee tagi jiray dalka Soomaaliya, Isagoona  sheegay inay jiraan dad isku dayay inay dilaan,kuwaaso oo ay ugu horreeyaan beeraleyda qaadka,wuxuuna  aad uga hadlay arrimaha qaadka,isagoona sheegey inuu salka ku hayay socdaalkii uu dhawaan ku tagay magaalada Hargaysa si uu uga dhaadhiciyo Soomaaliland qaadka toos inuu deegaannadooda uga soo dego.

“Kooxaha ayaa billaabay inay igu bartilmaansadaan ayagoo adeegsanaya borobaganda badan oo suuqa khuseeya. Run ahaantii waa xaalad murugo leh,” sidaa ayuu yiri asagoo ku daray, “waxaa la igu eedeynayaa inaan caqabad ku noqday suuq geynta jaadka”.

“Sideen dadkeyga lidi ugu noqon karaa?” Ayuu yiri. “Waxaanu ogsoon nahay in ay jiraan dad aan faraxsanayn oo doonaya inay sameeyaan raasamaal siyaasadeed iyagoo adeegsanaya borobagaando ay baahinayaan,” ayuu yiri Munya,sida lagu baahiyay warbaahinta gudaha Kenya.

Waxuu intaas ku darey isagoo ka hadlayay dhacdo horay u dhacday in siyaasigii Meru caanka ahaa ee la oran jiray Ntai wa Nkuraru loo dilay aano jaadka la xiriirta, ayna jeclaan lahaayeen in sidaa oo kale ku dhacdo.

Hadalkan ayuu kusoo beegmay ka dib markii shalay ay mudaharaadyo ka dhaceen magaalada Maua oo beeraleyda iyo ganacsatada jaadku ka cabanayeen dhibaatada ganacsigooda soo food saartay.

Dadka isku soo baxa ka qayb-galay,waxaa ay eedeyeen dawlad deegaanka Meru ee uu Mr. Peter Munya hoggaamiyo iyo dawlada Soomaaliya,waxaana ay inta ku darey maamulka gobolka inuu ku guul-darreystay baajinta xayiraadda lugu soo rogay qaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa toddobadkan si kumeel-gaar ah u hakisay qaadka la keeni jiray dalka,sababo la xiriira in guddoomiyaha Meru uu faraha la soo galay midnimadda Soomaaliya,isagoo marka qaadka u adegsanaya in Soomaalida uu ku kala fogeeyo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha gobolka qaadka lagu beero oo sheegay in naftiisu halis ku jirto appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>