Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission) ayaa maanta qaaday imtixaankii Madaxqaybeedyada Qorshaynta iyo siyaasadda (Policy Planing and Research Unit Heads) ee Hay’adaha iyo Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista uu Bangiga Aduunku maal galinayo, waxaana xiririnaya Mashruuca Guddiga isku dubaridka iyo xiriirinta(Project Coordination Unit-PCU) ee xafiiska Madaxweynaha.
Qaybo kamid ah ka qayb galayaashii imtixaanka oo dareenkooda cabbirayey ayaa muujiyey in ay si wanaagsan ugu soo diyaar garoobeen imtixaanka isla markaana ay rajeynayaan in ay guul weyn kasoo hoyn doonaan.
Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha rayidka Mudane Mustafe Siciid Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in ay Hay’adu maanta qaadayso imtixaamka madaxqaybeedyada Qorshaynta iyo siyaasadda oo ay maanta kasoo qayb galeen dad gaaraya 40 qof oo isugu jira rag iyo dumar.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Madaxqaybeedyadii ay Hay’addu hore u qaaday imtixaankooda ay hadda ka shaqo galeen hay’adihii iyo wasaaradihii ay imtixaanka u galeen, isla markaasna ay si habsi leh u gudanayaan waajibaadkooda shaqo, iyagoo isbedel rasmi ah ku samayeey Wasaaradihii iyo Hay’adihii ay ka shaqo galeen.
Guddoomiyaha ayaa ugu danbayn sheegay in dadkii hore ugu soo baxay imtixaamaadka ay ahayeen dad u qalma boosaska ay ku soo baxeen, taasina ay ka marag cad u tahay in uu imtixaanku ahaa mid ku salaysan caddaalad iyo hufnaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hore u balan qaaday in dib u habayn lagu sameeyo shaqaalaha Dowladda Puntland isla markaasna kor loo qaado tayadooda iyo aqoontooda, Imtixaankanina wuxuu qayb ka yahay kana jawaabayaa balan qaadkii Dr. Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.
–Dhammaad–
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Hay’ada Shaqaalaha Rayidka Puntland ah oo qaaday imtixaam appeared first on Puntland Post.