Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hal milyan iyo bar Muslimiin ah oo Taagan Banka Carafo

$
0
0

Hal milyan iyo bar Muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha aduunka ayaa maanta taagan Banka Carafo, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, waxaana muslimiinta sanadkaan nasiibka u yeeshay inay  gutaan waajibaadka Alle saaka ay u soo kalaheen Carafa kadib markii ay soo dhameesteen dawaaful Idaama.

Banka Carafo oo ku taala galbeedka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu khudbadiisii u dambeeyay ka jeediyay Nabi Maxamed Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee.

Maanta oo kale waa maalin ahmiyad gaara u leh umada Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, waana maalin inta badan ay soomanyihiin dadka Muslimiinta ah, iyagoo Ilaahey ka rajeynaya inuu danbi dhaafsiiyo.

Sanadkii hore isbuurasho ka dhacday Mina ayay ku dhinteen in kabadan labo kun oo ruux, intooda badana Iiraaniyiin ayay ahaayeen.

Iiraan ayaan sanadkan dad u soo dirin acmaasha Xajka. Waxayna ku dhawaaqeen kulan kale oo maalinta Sabtida ah lagu qabto magaalada ay Shiicadu barakaystaan ee Karbala oo dalka Ciraaq ku taala.

PUNTLAND POST

The post Hal milyan iyo bar Muslimiin ah oo Taagan Banka Carafo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>