Madaxwaynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa u diray musharaxiinta u tartamaysa xafiiska Villa Soomaalia digniin adag taas oo ku saabsan ololahooda musharaxnimo.
Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay musharaxiinta doonaya inay qabtaan xilka Madaxwaynaha inaysan dalka iyo dawlada caayin balse ay la yimaadaan siyaasadooda iyo waxqabadkooda.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in laga shaqeeyo hormarka iyo guusha ay dawlada gaartay, wuxuuna soo hadal qaaday in laga doonayo waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inaysan ku hadlin hadalo cadowga dhiiri galinaya.
Gaba gabadii Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa warbaahinta Soomaaliyeed ka codsaday inay dadka dhagahooda ay ku shubaan wax wanaagsan muuqaalka wanaagsan ay tusaan dadka Soomaaliyeed.
Dhagayso Madaxweyne Xasan Sheekh
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo fariin adag u diray musharaxiinta appeared first on Puntland Post.