Madaxweynaha dowladdda Federaaka Soomaaliya, guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Madaxweynaha Puntland ,xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Federlaka Soomaaliya ayaa boqolaal kamid ah dadweynaha reer Muqdisho waxay salaadda ciidul Adxa kula dukadeen Masjidka weyn ee isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo salaada ka dib khudbad dheer ka jeediyay Masjidka ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo xaaladda dalka la xiriira gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo arimaha bulshada.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed waxaa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa oo maanta kow ah, isagoona sheegay in loo baahan yahay in qofkasta uu ka qeyb qaato dhismaha dowladnimada Somaaliya.
Madaxweynaha ayaa markii amniga ka hadlayay waxaa uu mar kale ku celiyay booq uu u jeediyay dhalinyarada ay marin abaabiyeen ururka Al-shabaab, waxaana uu ugu yeeray in ay u soo laabtaan dadkooda isla markaana ka tanaasulaan fekirkaas munxarifka ah ee ku dhisan baabi’inta shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay in ay ka waantoobaan dadka caadeystay in ay ummadda rajo la’aan dhigaan mar walba, isagoo xusay in loo baahan yahay in qofka aan wax wanaagsan umadda u sheegeynin uu iska aamuso.
PUNTLAND POST
The post Madaxda dalka oo dadweynaha Muqdisho kala qebgashay Salaada ciidul Adxa appeared first on Puntland Post.