Gaalkacyo-(Puntland Post) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Eng. Cabdixakin Camey iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Puntland ayaa saaka boqolaal dadweynaha Magaalada Gaalkacyo kula tukaday Salaada Ciidul Adxaa garoonka kubbada cagta ee Cawaale
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo salaada kadib qudbad ujeediyay dadweynaha ayaa la wadaagay farxada ciida Adxada isagoo dadka reer Puntland urajeeyay nabad iyo barwaaqo iyo Soomaaliya oo hesha dowladd cadaalad ku dhisan.
Eng Camay ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka iyo go’aanada dowladdu kusoo rogtay gaadiidka uga yimaada koonfurta Soomaaliya, wuxuuna mar kale ku celiyay dowladda Puntland inaysan ujeedo kale ka lahayn tilaabooyinka ay qaadayso, balse ay ku xaqiijinayso amaanka dulkeeda.
PUNTLAND POST
The post Eng. Camey oo dadweynaha Gaalkacyo kala qebgalay Salaada ciidul Adxa appeared first on Puntland Post.