Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo maanta boqolaal shacab ah kula hadlay garoonka Mira-Awaare ee Garowe kadib salaadii Ciida ayaa ka digay colaada loo durbaan garaacayo ee Koonfurta Gobolka Mudug, Wuxuuna sheegey ujeedada ka danbeysa inay tahay ka dib markii ay mooshin ka keeneen baarlamanka Galmudug Madaxweyne Cabdikariin Guuleed.
Korneyl Cumar Faraweyne ayaa ugu baaqay Galmudug inay joojiso colaada, Isagoona sheegey inay Soomaaliya kazoo daashay dagaal iyo colaad , loona baahan yahay inay cid walba ka shaqeyso xasiloonida iyo nabadgalyada.
Dhinaca kale Gudoomiye Cumar Cabdulaahi wuxuu ugu baaqay waalidiinta magaalada Garowe isaga oo kala hadlaya amniga magaalo madaxda Puntland ee Garowe inay la socdaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda , Islamarkaana ay ka istaagaan falalka amniga lidka ku ah inay ku kacaan.
Sidoo kale, waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii madasha ka hadashay wasiirka waxbarashada Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo isna ku baaqay in laga shaqeeyo nabad gelyada, isagoo sheegay nabad gelyadu inay tahay aas aaska nolashada iyo horumarka bulshada.
Halkan ka dhagayso codka Gudoomiyaha.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo sheegay sirta ka danbeysa weerarada Galmudug appeared first on Puntland Post.