Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Magaalada Garowe oo maanta si weyn looga ciiday

$
0
0

Muslimiinta ku nool Garowe ayaa maanta si weyn ugu ciiday munaasabada ciidul ADXA,Iyadoona dadka oo faraxsan isugu soo baxeen wadooyinka iyo goobaha lagu cibaadeysto.

Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta salaada ciida ku tukaday gagida kubada cagta ee mire awaare iyo Masaajida kuwaas oo oogayey munaasabada ciidul adxa.

Dadweynaha ayaa waxaa munaasabada ciida kala qayb-galay Golayashaa dowladda,Maamulka gobalka kan degma,isimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee magaalada garoowe.

Maalinta ciida Adxa waa maalin ku weyn muslimiinta dunida ku dhaqan .Waana maalin alla bari ah oo guri walba xoolo lagu gowracay , ayna usii dheer tahay farxada iyo damaashaadka.

Meel walba oo ka mid ah magaalada maanta waxaa lagu arkayaa Carruurta oo dhar qurxoon sita, iyadoo meelaha qaarna ay ku cayarayeen baaruudda rashta iyo waxyaabaha kale ee ay carruurtu ku cayaarto.

Inkastoo aad loo ciideystay haddana abaarta iyo roob la’aanta ka jirta gobollo badan oo ka mid ah dalka ayaa saameyn ku yeelatay munaasabaddan.

dscn4238 dscn4239 dscn4240 dscn4241 dscn4243 dscn4244 dscn4245 dscn4246 dscn4247 dscn4248 dscn4249 dscn4250 dscn4251Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Magaalada Garowe oo maanta si weyn looga ciiday appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>