Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo hambalyadda ciidda u diray Shacabka Puntland.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 12 September, 2016  waxaa uu salaaddii ciida ku tukaday masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho, wuxuuna hambalyada ciidda u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Puntland, isagoo u rajeeyey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan barwaaqo iyo nabadgelyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in maanta oo ah maalin farxadeed uu bulshada Soomaaliyeed la qaybsanayo farxada ciidda, islamarkaana uu ku raja weyn yahay in guud ahaan dalkeena Soomaaliya uu gaari doono dawladnimo taam ah, horumar taabba gal ahna laga samayn doono arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadgelyada iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa la dagaalanka kooxaha arga-gixisada ah ee Al-shabaab oo ah kooxo cadowga ku ah umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas sidoo kale wuxuu dhalinyarada Soomaaliyeed ku adkeeyey inay ka feejignaadaan la shaqaynta kooxaha nabad diidka ah ee Al-shabaab , maadaama ay duulaan ku yihiin jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

 

img_6436 img_6438 img_6440 img_6452 img_6459 img_6469 img_6482 img_6484 img_6488 img_6493 img_6500 img_6501 img_6506 img_6516 img_6542 img_6555 img_6562 img_6584 img_6593 img_6620 img_6722

The post Madaxweynaha Puntland oo hambalyadda ciidda u diray Shacabka Puntland. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>