Cabdirasaaq Maxamed Agoon oo ay soo wakiilatay Jaaliyad u dhalatay dalka Soomaaliya oo ku nool dalka Turkiga ayaa maanta ku wareejiyey ari loogu tala-galay munaasabadda Ciidul ADXA xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka lagu xanaaneeyo dadka dhimirka la, xarunta Agoomaha iyo Barakacayaasha ku nool magaalada Garowe .
Cabdirasaaq Maxamed Agoon ayaa alle uga baryey inuu bedel kheyr ka siiyo Jaaliyaddii usoo dhiibtay deeqdan goobaha ay ku nool yihiin bulshada kuwooda tabaalaysan , waxa uu sheegey inay u qeybinayaan deeqdan sidii ay horey ugu qaybin jireen , Islamarkaana uu yahay sanadkani midkii afaraad.
Waxa uu intaas ku daray Cabdirasaaq inay kusoo aadisay deeqdan ka timid Jaaliyadda ku nool dalka Turkiga Gabadh magaceeda la yiraahdo Faa,iso Cabaas,Islamarkaana xarumaha loogu tala-galay ay u qaybiyeen ari 16 neef ah.
Daawo Sawiro.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Jaaliyadda Turkiga oo deeq u geysay xarumo ku yaala Garoowe appeared first on Puntland Post.