Bosaso (Puntland Post):- Magaaladda Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta si weyn looga dabaal degay munaasabada ciidul Adxa , Waxaa isugu soo baxay barxadda kubbada cagta ee Isbartiimada Bosaso kumanaan dadweyne ah oo isugu jira rag iyo dumar , halkaas oo lagu tukay saaka salaadii ciida.
Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada ayaa kala qeyb galay dadweynaha munaasabada ciidul Adxa ee saaka lagu tukaday garoonka kubbada cagta ee Bosaso
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Waceys Dhedo oo ka hor hadlayay boqolaal qof salaada kadib ayaa ka hadlay xaaladda Guud ee Gobolka Isagoo baaq u diray Guud ahaan shacabka, wuxuuna ka codsaday inay ciidamada amaanka ka gacan siiyaan sugida nabadgalyada iyo ka hortagida falalka waxyeeleynaya Nabada ka jirta Bosaso.
Si la mid ah magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa maanta sidaan oo kale ugu dabaal degay munaasabada Ciidul Adxa.
CABDIQANI BOOS
PUNTLAND POST
The post Bosaso oo si weyn ugu dabaal degtay munaasabada Ciidul Adxa appeared first on Puntland Post.