Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowlada Denmark oo dhismo casriya ka hirgalisay Bosaso

$
0
0

Bosaso (Puntland Post):- Dhisme ka kooban labo dabaq oo ay wadaagayaan Wasaaradda Dekedaha iyo Ciidanka Dekeda Bosaso ayaa maanta si rasmiya loogu wareejiyay Dowlada Puntland, Waxaana ka qeyb galay munaasabadii dhismahan lagu wareejinayay wafuud heer caalamiya oo ka socda Dowladaha Netherland,Denmark,Madaxda Hay,adda UNODC,UNOPS iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland.

Safiirka Dowlada Denmark u qaabilsan dalka Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Mette Knudsen ayaaa si rasmiya xariga uga jaray dhismahan, waxaana la wareegey Wasiirka Dekedaha, La dagaalanka burcad badeed iyo gadiidka badda Puntland Mudane Cabdulaahi Jaamac.

Dhismahaan dabaqa ayaa socday muddo 9 bilood ah,waxaana maalgalisay Dowlada Denmark,halka ay fulisay Hay,adda UNOPS , waxaana dhistay shirkadd magaceeda la yiraahdo Al bashid Construction Company.

Daawo Sawiradda

1 4 5 6 7 10 12 13 14 15 16 17PUNTLAND POST

The post Dowlada Denmark oo dhismo casriya ka hirgalisay Bosaso appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>