Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo Baryihii ugu dambeeysay ku Sugan Magaalada Muqdisho Ayaa Goordhow lagu Wadaa in uu ka Amba baxo Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Gaas ayaa hadda Muqdisho ka wada qaban qaabadii ugu dambeeysay ee uu ugu amba bixi lahaa Deegaanada Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa lagu wadaa in uu Gaaro Magaalada Garoowe Ee Caasimada Puntland halkaasi uu todobaadyadii ugu dambeeysay uu ka maqnaa.
Dr Gaas ayaa Muqdisho uga qeeybgalay Shirka Madasha wadatashiga qaran iyo shirar gaar ah oo looga hadlayay Arimaha Doorashada.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu Markii uu Gaaro Garoowe uu la hadlay Warbaahinta kana warbixiyo Natiijada Shirkii Madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar -Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ku Wajahan appeared first on Puntland Post.