Boosaaso: (pp)- Waxaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari lagu qabtay kulan si heer sare ah loo soo agaasimay oo shahaadooyin iyo Abaal marino lagu gudoonsiinaayey ardey ka aflaxday Qur’aanka Kariimka ah, Ardaydaan oo gaaraysay 110-arday ayaa ka aflaxday Dugsiga Qur’aanka Kariimka ah iyo Barashada aqoonta asaasiga ee Daarul-Quraan waxaana kulankan ardayda lagu gudoonsiinaayey shaahadada kasoo qayb galay culimo awdiin,Indheer garad,Masuuliyiin iyo weliba Boqalaal kamid ah ardayda Dugsigaasi wax ka barata.
Dhagayso:- Codka Maamulaha Dusiga Daarul-Quraan
Maamulaha Dugsiga Daarul-Quraan Maxamed Cali Yakhle ayaa ka warbixiyey heerarkii uu soo maray dugsigan iyo ardayda maanta ka qalinjabinaysa, waxa uu sheegay in dugsigan la asaasay sanadkii 2002 laguna bilaabay arday aad u kooban wixii ka dambeeyey dugsigu waxa uu samanayey Horumar wanaagsan iyadoo ay si aada marba marka ka damabaysa ay usii badanaayeen ardayda wax ka barata, waxa u tilmaamay inay inay Farac cusub ka fureen Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar iyo weliba Magaalooyinka looga xagaa baxo Magaalada Boosaaso oo ay xarumo kumeel gaar ah ka furaan xiliyada xagaaga ah.
Shiikh Xuseen Cumar oo kamid ah waalidiinta ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay munaasabadan shahaadooyinka lagu gudoonsiinaayo ardayda dhamaysatay quraanka Kariimka ah wuxuuna ardayda kula dardaarmay inay sii wadaan barashada diinta Islaamka ayna heer wanaagsan ka gaaraan si ay uga faaideeyaan walaalohooda Muslimiinta ah, wuxuuna sheegay inay ardaydaani wax ka badeli doonto xaalada Dalku uu ku sagan yahay hadii ay sii wataan barashada diinta Islaamka.
Xafladan ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey Boqol iyo Toban arday oo ka aflaxday quraanka kariimka ah waxaana wajiyadooda laga dheehan karey farxad aad u saraysa, Inta badan Dalka Soomaaliya lama arko ardayda barata quraanka iyo Diinta Islaamka oo shahaadooyin la gudoonsiiyo sida Iskuulada iyo Jaamacadaha hase ahaate Dalka Soomaaliya ayaa lagu amaanaa barashada diinta Islaamka waxaana Magaalooyinka waaweyn,Magaaloyin yaryar iyo Baadiyahaba ka furan Boqolaal Dugsi quraan ah oo ardayda lagu baro diinta Islaamka, Caadiyana Ilmaha Soomaaliyeed waxa ugu horeeya ee la Baro waa quraanka kariimka ah.
puntlandpost.com