Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab oo isku bad-badalay gacan ku heynta Degmada Ceel-Waaq

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceel-Waaq Ee Gobolka Gedo Ayaa waxa ay sheegayaan in Shalay Galinkii Dambe Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heeynta degmadaasi.

Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegay deegaankaasi Waxaana la sheegay in Ciidamada Dowlada Ay isga baxeen Degmadaasi isla shalay Galinkii Dambe.

Al-Shabaab Ayaa Gudaha u galay Degmadaasi Ceel-Waaq Ee Gobolka Gedo waxaana ay halkaasi ku Gubeen xarumihii Maamulka iyo Xafiisyadii Ay ku Shaqeeynayeen Masuuliyiinta Jubbaland ee Ceel-Waaq.

Intaasi Kadib Ciidamada Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe isga baxay degmadaasi Ceel-Waaq oo ah Degmo istiraatiiji ah Waxaana dib u la wareegay Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Jubbaland.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa warbaahinta  u sheegay in Xeelad Milatari ah ay uga baxeen Gacan ku heeynta Degmadaasi islamarkaasina Dib Ay u la wareegeen.

PUNTLAND POST 

The post Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab oo isku bad-badalay gacan ku heynta Degmada Ceel-Waaq appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>