Hadal uu soo saaray Xafiiska gaashaandhigga Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in lagu dilay nin magaciisa loo yaqaanno Dr Wa’il, ama Wa’il Caadil Xasan Salman Al-Fayad. Ninkaas ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka warfaafinta ee kooxda Daacid, oo uu muraaqabayn jiray soo saarista fiidiyowyada borobagaandada ah ee muujinaya jirdilka iyo dilalka.
Asbuucii hore ayuu Xafiiska gaashaandhigga Maraykanka sheegay in ninkii dhinaca borobagaandada ugu sarreeyey Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani, lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay bishii hore waqooyiga Suuriya.
PUNTLAND POST
The post Wasiirkii Warfaafinta Daacish oo la dilay appeared first on Puntland Post.