Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maxkamada Ciidamada Somalia oo xukuntay Afar ruux oo lagu eedeeyay Daacish

$
0
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60-aad, ayaa xukun min 10 sano oo xabsi ciidan ah ku riday maanta Afar ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish.

Raggaan ayaa dhawaan lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, kadib markii Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay soo qabteen.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka gaar ahaan qeybta 60-aad Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukun ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah, maadama  buu yiri lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyey.

Raggan la xakumay ayaa lagu kala magacaabaa 1-C/Casiis Xasan Mursal oo lagu eedeeyay in kooxda Daacish ay u soo wakiilatay magaalada Baydhabo.

2-Mahad Nuur Siidow oo isna lagu sheegay inuu yahay ninka Kooxda Daacish ay wakiilka uga dhigatay in Baydhabo uu ka fuliyo Qaraxyada, isagoo la tilmaamay in uu awood u leeyahay in gacantiisa uu ku sameeyo waxyaabaha qarxa.

Labada kale ee maxkamada ciidamada xukunka ku riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Sheekh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow oo lagu eedeeyay in labaduba ay u xilsaarnaayeen fulinta dilalka qorsheysan ee kooxda Daacish ay ku talo gashay iney ka sameyso magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa fasaxday sadex ruux oo kale oo lagu eedeeyey iney xiriir la lahaayeen raggan katirsan kooxda daacish.

PUNTLAND POST

The post Maxkamada Ciidamada Somalia oo xukuntay Afar ruux oo lagu eedeeyay Daacish appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>