Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta kusoo wajahan magaalo madaxda Puntland ee Garowe , waxaana laga dareemayaa magaalada Garowe qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta waftiga uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Sharmaake oo goor dhow la filayo inay kasoo degaan geyiga diyaaradaha Konoco oo ku yaala Garowe.
Ujeedada socdaalka waftiga ayaa wararka qaar sheegayaan inay salka ku hayso ololihiisa doorashada , xilli ay waxyar ka dhiman tahay doorashada baarlamanka iyo madaxda dowlada federalka Soomaaliya.
Kala soco Puntland post faahfaahin ku saabsan socdaalka Ra’iisul wasaare Sharmaake maanta ku tagayo Garowe.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Ra’iisul wasaaraha Somaliya oo Garowe ku soo wajahan appeared first on Puntland Post.