Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xarunta Tira-koobka Puntland oo qorshe loo dejinayo

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka furmay magaalada Garowe shir qorshe loogu dejinayo xarunta tira-koobka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Waxaana kazoo qeyb galay shirkan xubnaha Statics Working Group oo ka socda Wasaaradaha iyo Hay,addaha Dowliga ee Puntland.

Cabdinaasir Cali Daahir oo ah Agaasimaha Xarunta Tira-koobka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland ayaa sheegey in kulankan oo soconaya muddo hal maalin ah lagu gorfeynayo shaqo  maalmeedka xarunta Statics-ka ee saddexda sano soo socota 2017 ilaa 2019.

Wasiiru Dowlaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ibraahim Cawaale oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa kula balamay xubnaha kulanku u furmay oo magacooda la yiraahdo Working Group inay si wanaagsan uga doodaan nidaamka tira-koobka oo uu sheegey inay ugu danbeysay Soomaaliya markii ay jirtay Dowladii dhexe AUN Siyaad Barre.

Shirkan looga hadlayo qorshe u dejinta xarunta tira-koobka Puntland , waxaa daba-jooga shir kale oo dhawaan lagu hubin doono qorshayaasha u degsan xarunta tira-koobka iyo waaxaha kale ee Wasaaradaha.

dscn4873 dscn4874 dscn4875 dscn4876 dscn4877 dscn4879 dscn4883 dscn4884 dscn4886 dscn4891 dscn4892 dscn4893 dscn4895 dscn4896 dscn4897Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Xarunta Tira-koobka Puntland oo qorshe loo dejinayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>