Garowe (Puntland Post):- Kulan ku saabsan dib eegista qorshaha horumarinta 2aad ee 5ta sano ayaa maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ku leedahay magaalada Garowe, waxaana kazoo qayb galay masuuliyiin ka socota dhamaan wasaaraddaha iyo hay,addaha dowlada Puntland, Madaxda ugu sareysa Wasaaradda Qorsheynta Iyo Iskaashiga Caalamiga, Madaxda Xafiiska UNDP ee Puntland iyo Marti sharaf kale.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Shire Xaaji Faarax oo ka hadlay furitaankii kulanka ayaa faahfaahin ka bixiyay Ahmiyadda ay leedahay qorshaha horumarinta 5ta shano ee Dowlada Puntland.
Wasiir Shire ayaa sheegey inuu ka danbeeyey qorshaha horumarinta 2aad ee 5ta sano ka dib markii ay cubtami wayday Puntland qorshihii ay horey Dowlada Federalka Soomaaliya ugu magacdartay National Devolepment Plan, Islamarkaana bedelkiisa ay samaysatay Puntland qorshe muhiim ah oo loogu magac daray Puntland Development Plan 5years.
Wasiir Shire Xaaji Faarax ayaa uga mahadceliyey qeybihii Wasaaradiisa kala soo shaqeeyey qorshahan oo uu ku tilmaamay inuu muhiim u yahay Puntland, Waxaanaa ka mid ahaa qeybihii u mahadceliyey Wasiirku Madaxda Hay,adda UNDP ee Xafiiska Puntland iyo La taliyaasha Wasaaradiisa kala shaqeeya bar naamijkan.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post “Garowe” Shir dib loogu eegayo qorshaha horumarinta 5ta sano ee Puntland appeared first on Puntland Post.