Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wafti kala hadlay Wasaaradda Deegaanka Puntland Isticmaalka biyaha dhulka

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafti sare oo kasocda xafiiska hay’adda sugnaanta iyo cuntada u qaabilsan qaramada midoobey laanteeda kaydinta macluumaadka biyaha iyo Dhulka FOA/SWALIM .

Waftigan oo uu hogaaminayey Waleed Al-Chorairy oo kamid ah madaxda sare sare ee hay’ada FOA/SWALIM waxaana  ay ka wada hadleen sidii qorshe loogu samayn lahaa isticmaalka biyaha iyo dhulka Puntland iyadoo laga duulayo in la yareeyo colaadaha iyo isticmaalka khaldan ee lagu sameeyo khayraadka.

Shirka oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin iyo lataliyeyaal farsamo oo ka kala socday labada dhinac waxaa diirada lagu saaray arimo badan oo ku saabsan sidii la isku waydaarsan lahaa xogta deegaanka, Dhulka iyo Biyaha iyadoo la tixgelinayo baahiyaha dadka iyo sidii loo samayn lahaa qorshe lagu maamulo hab ka wanaagsan ee isticmaalka biyaha iyo habsami u maamulka dhulka.

Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Muna Daahir Dalmar oo shirka furtay ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la sameeyo xarumo midaysan oo lagu kaydiyo xogta kala-saraynta dhulka, iyo habka isticmaalka biyaha ee ugu wanaagsan sidoo kalena waxay sheegtay inay muhiim tahay in la iska kaashado dhamaan qorshayaashaas.

Agaasimaha Waaxda Maaraynta xogta ee wasaarada Deegaanka Cabdullaahi Maxamed Xussen ayaa shirka ka jeediyey qorshe ay wasaarada Deegaanku soo bandhigtay kaas oo ku saabsan isticmaalka biyaha Iyo dhulka kaas oo siwanaagsan dhinacyada ugu doodeen ugu danbayntiina is afgarad wanaagsan laga gaaray.

Dr. Cali Cabdullaahi Warsame Wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland oo gabagabadii shirka ka hadlay ayaa u mahadceliyey waftiga sare ee kasocday hay’ada FOA/SWALIM booqashadooda ay kuyimaadeen Puntland waxaana uu wasiirku sheegey in loo baahanyahay in si dhakhsi ah loo fuliyo qorshaha wasaarada oo kusalaysan baahiyaha rasmiga ah ee Puntland ka jira .

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegey in wasaaradiisu ku howlan tahay  sidii loo wanaajin lahaa khayraadka dhulkeena si buu yiri looga baxo baahiyaha joogtada ah ee ay reer miyigu qabaan loona heli isku filnaansho balaaran oo dadku gaaro.

1 2 3 4 5 6 7 8 9Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wafti kala hadlay Wasaaradda Deegaanka Puntland Isticmaalka biyaha dhulka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>